Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Itoobiya oo hub fara badan ku qabtay magaalada Mekelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in rasaas iyo hub badan ay ka heleen goobo ku yaalla magaalada Mekelle ee xarunta gobalka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Hubkan ayaa la sheegay in ay keydsadeen kooxda TPLF ee laga fara maroojiyay magaalada Mekelle 28 bishii naga idlaatay ee November.

Ciidanka ayaa sheegay in ay heleen 3 kunteynar oo ay ka buuxeen qoryo isugu jira AK-47,qoryaha shiish wanaaga ee meesha fog wax ka dila iyo garneylada gacanta.

Sidoo kale waxaa ay ciidanku sheegeen in ay qabteen rasaas xoog leh, dharka ciidanka TPLF iyo waliba kaararka aqoonsiga .

Ciidanka federaalka Itoobiya ee dagaalka ka wada waqooyiga dalkaasi ma sheegin cid ay hubkaan la xiriirinayaan oo ay qabteen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this