Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyey shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee ku yaalla magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarad ay leedahay shirkadda Air Jabuuti ay shil ku gashay garoonka magaaladaasi, taas oo sidday rakaab.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku darya in shilka uu yimid, kadib markii ay diyaaradda dhulka ku dhufsatay qeyba dambe, xilli ay ka dageysay garoonkaasi.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay shilkaasi, marka laga reebo in waxyeelo ay soo gaartay qeybta dambe ee diyaaraddaas oo laga leeyahay dalka Jabuuti.

Illaa iyo hadda wax faah faahin Puntland kama bixin shilkaasi diyaasadeed ee ka dhacay garoonka Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe.

Bilihii u dambeeyey ayaa waxaa garoomada Soomaaliya ku soo badanayey shilalka diyaaradeed, waxaana ugu dambeysay diyaarad sidday madaxda ka tirsan HirShabelle oo shalay ciladowday, taas oo markii dalbe si nabad ah uga soo degtay Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this