Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Dhabancad oo lagu eedeeyay in uu dagaal sokeeye u horseedayo degmada Isku-shuban

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid kamid ah Beelaha degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, ayaa shaacisay in ay si buuxda u qaaddacday hannaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland u qaybisay  Golaha Degaanka Isku-dhuban.

Cuqaasha iyo Nabaddoonada Beesha, oo shir ku yeeshay degmada Isku-shuban, ayaa sheegay in ay si cad u qaaddaceen Warqadda ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ee lagu shaaciyay liiska xildhibaannada Golaha Degaanka.

Beesha ayaa Wasiir Dhabancad ku eedaysay, in uu sameeyay fal keeni kara in Amniga degmadaas uu faraha ka baxo, kadibna dagaal sokeeye ka dhex qarxo Beelaha wada-deggan halkaasi.

Sidoo kale, Cuqaasha iyo Nabaddoonada Beesha ayaa sheegay in ay xakamayn la’yihiin Ciidamo dhalinyaro ah oo Beesha u dhashay, kuwaas oo doonaya in ay gudaha u galaan degmada Isku-shuban.

Hoos ka akhriso Qoraalka Beesha

1-4.jpg?resize=1000%2C1294&ssl=1 2-3.jpg?resize=1000%2C1294&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wasiir Dhabancad oo lagu eedeeyay in uu dagaal sokeeye u horseedayo degmada Isku-shuban appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this