Deeq A. Posted December 2, 2020 Yusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waaa looga hadlay arrimo ku aadan dardar-gelinta howlaha lagu horumarinayo dowlad gobaleedka HirShabelle. Labada mas’uul ayaa sidoo kale si gaar ah kulankooda diirada ugu saaray, sidii xal waara looga gaari lahaa xiisada ka taagan Beledweyne ee ka dhalatay doorashadii HirShabelle. Sidoo kale kulamada ayaa lagu ballamay inay sii socdaan, iyada oo ay ka qeyb-geli doonaan odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. HirShabelle oo dhowaan ka soo baxday doorasho ayaa la kow-satay khilaaf dhanka maamulka ah iyo tabasho ay tirsanaayeen qaar ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites