Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo markale edeeyey dowladda Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka cusub ee arrimaha dibedda xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq oo u warramay VOA ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiriirka sii xumaanaya ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna ugu horreyntii shaaca ka qaaday in aysan ceyrin safiirka Kenya, balse ay xukuumadiisa Kenya ugu dirtay inuu wada-tashi la soo sameeyo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan ay daba socoto xiriirka labada dal oo sanadihii u dambeeyey ahaa mid aad u hooseeya.

“Safiirka Kenya lama eryin ee dowladda Soomaaliya iyada oo qabta tabashooyin waxay safiirka Soomaaliya u fadhiya ugu dirtay dowladiisa inuu lasoo sameeyo wada-tashi,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq wasiirka arrimaha dibedda ee xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu ku eedeeyey Kenya inay fara-gelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyada oo adeegsaneyna qaar ka mid ah maamul goboleedyada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this