Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta Salaam Somali Bank ee Afgooye aya laga bixiyay lacago maalgalin ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Bangiga oo ka duulaayo kor u qaadidda iyo dhiiri gelinta ganacsatada yar yar ee soo koreysa ayuu manta bixiyey lacago maalgelineed ,Munaasabad ka dhacday xarunta bangiga ee magaalada Afgooye ayaa lagu gudoonsiiyay ganacsatada deegaanka.

Dadkii ka faa’iidaystay barnaamijkaan qardul xasan (free micro finance ) ayaa uga mahad celiyay maamulka iyo shaqaalaha bangiga salaam Somali bank waxayna sheegeen in ay tahay talaabo wanaagsan oo ku dayasho mudan waxayna sidoo kale sheegeen iney aad ugu farxeen fursadan maalgelineed ee uu bangiga siiyey.

Qardul xasan waa barnaamij dhowrkii bilood mar uu bangiga bixin doono waana mid loogu tala galay in laga bixiyo dhamaan xarumaha bangiga ee gobolada iyo magaalooyinka dalka waxaana loogu tala galay in lagu kobciyo laguna dhiiri geliyo ganacsatada soo koreysa.

Horey ayuu bangiga sidan oo kale ugu bixiyey xarumo dhowr ah .

Maamulka Bangiga Salaam Somali bank ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan barnaamijkaan waxaana dhawaan laga bixin doonaa dhamaan xarumaha harsan ee  bangiga .

Ujeedada ugu muhiimsan uu banigiga u bixinaayo lacagahan ayaa ah in kor loo qaado wax soo saarka ganacsatada soo koreysa laguna dhiiri geliyo ganacsigooda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this