Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay Danjire Tarsan

Recommended Posts

Deeq A.   
one-3.jpg?resize=720%2C594&ssl=1

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Isniin ah kula kulmay xafiiskiisa Safiirka Soomaaliya u qaabilsan waddanka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

War lagu daabacay Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Wasiir Abubakar uu talooyin iyo tilmaamo siiyay Safiirka, si uu u fuliyo, lana socdo, halka Danjire Maxamuud Tarsan uu wasiirka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee xiriirka Soomaaliya iyo kenya.

Waxaa xusid mudan, in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay shalay u yeeratay Danjire Tarsan,  halka Safiirka Kenya ay ku wargelisay in uu dib ugu laabto dalkiisa, kadib markii ay Kenya ku eedaysay in ay fara-gelin ku hayso  arrimaha gudaha Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay Danjire Tarsan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this