Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii golaha wakiilada maamulka Puntland oo lagu kala tegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Buuq iyo fowdo ayaa maanta hareysay fadhigii 19-aad ee kal-fadhiga 47-aad ee xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland, kaas oo ugu dambeyn lagula tegay.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayey Cabdirashiid Yuusuf Jibriil  oo ah guddoomiyaha golaha wakiilada, iyada oo ay wehlinayeen ku xigeenkiisa koowaad & labaad.

Wararka ayaa sheegaya in dooda ay timid, kadib markii xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay dalbadeen in wariyeyaasha laga saaro hoolka, taas oo uu ka biyo diiday guddoonka waxaana kadib qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ay bilaabeen fowdo iyo sawaxan sababay in kulanka lagu kala kaco.

Ajandaha ayaa ahaa la xisaatbta golaha xukuumadda, waxaana goobjoog ahaa wasiirka qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo kulanka kadib soo saaray war qoraal ah ayaa yiri “Waxaan hakiyey fadhigii maanta sida ku cad qodobka 8-aad farqada 6-aad ee xeer-hoosaadka golaha wakiillada kadib markii ay is-hortaag ku sameeyeen 5 Mudane habsami u socodkii shaqada golaha.”

Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo fadhiyo kala duwan yeelanayey maalmihii u dambeeyey ayaa bilaabay la xisaabtan la xiriira golaha wasiirada ee maamulkaasi

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this