Sign in to follow this  
Deeq A.

XF Soomaaliyaoo soo bandhigtay waxbarasho lacag la’aan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa maanta aaladda fogaan aragga Zoom-ka uga qeyb galay shir heer caalami ah oo loo qabtay shaacinta heshiis dhexmaray wasaaradda waxbarashada,maamulka sanduuqa maalgelinta dowladda Qatar iyo mu’asasada Education Above All.

Heshiiskaan ayaa loogu talagalay in arday ka badan 57,000 (Konton iyo todobo kun) oo aan awoodin inay waxbarasho aadaan lagu taakuleeyo.

Shirka ayaa waxaa wasiirka ku wehlinayay agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane, Ismaciil Yuusuf Cismaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this