Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo weeraray maleeshiyaad ku sugan gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Iska hor imaadka oo xooganaa ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada dowladda weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadkaas oo ka soo horjeeda in madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) uu tago magaaladaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dib loo si-kiyey maleeshiyaadka oo haatan ku sugan deegaanka Ceelgaal ee gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale waxaa magaalada Beledweyne ka dhacay banaan-baxyo ay dhigeen qaar ka mid ah shacabka magaaladaasi, kuwaas oo ka soo horeeda dagaalka ciidanka dowladda.

Dadweynaha dhigayey dibad-baxa ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah madaxda cusub ee HirShabelle, iyaga oo taageero u muujiyey sarkaalka la weeraray iyo ciidamada uu wato.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana sidoo kale fashilmay dadaallo soo socday muddooyinkii dla soo dhaafay oo lagu doonayey in xal waara looga gaari xiisadaasi

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this