Sign in to follow this  
Deeq A.

Is-barbardhig Tirada & Cududa Ciidan ee Itoobiya & Kuwa tigrayga+Cabsi laga qabo dagaal jabhadeyn ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Is-barbardhig Tirada & Cududa Ciidan ee Itoobiya & Kuwa tigrayga+Cabsi laga qabo dagaal jabhadeyn ah

Tigray
Maamulka Tigray ayaa leh ciidan awood badan.

Ururka TPLF oo ku dhawaad 30 sano ka talinayay deegaanka Tigray ee Itoobiya ayaa hadda u muuqda inuu isu diyaarinayo dagaal jabhadeyn ah oo uu ciidamada dowladda kula galo dhulkaas buuraleyda u badan.

Hase yeeshee milateriga Itoobiya ayaa rumaysan in duulaanka uu hadda wado uu kaga hortagi karo xaalad noocaas ah, waxaana yoolka dowladdu yahay inay TPLF kala wareegto awoodda, xabsigana dhigto hogaamiyayaasha iyo saraakiisha ciidan ee ururkaas oo tiro ahaan lagu qiyaasay inay ka badan yihiin 70 qof.

Waxaa saraakiishaas kamid ah kuwo dowr muhiim ah ka qaatay jabhadeyntii ay mudada 17-ka sano ah TPLF waday illaa ay ka qabsatay caasimadda Addis Ababa sanadkii 1991. Sidoo kale waxaa ku jira kuwo hogaanka ciidanka iyo sirdoonka Itoobiya soo ahaa illaa uu xukunka la wareegay Abiy Axmed sanadkii 2018.

“Diyaar u ah dhimasho”

Xooggaga TPLF ayaa hub noocyo kale duwan leh oo ay ku jiraan gantaallo ka qaatay saldhigga taliska waqooyi ee ay weerarreen horraantii November, inkastoo uu ciidanka cirka ee Itoobiya leeyahay awood wanaagsan.

Mas’uuliyiin ka tirsan TPLF ayaa sheegay inay qabsadeen qeybo kamid ah taliskaas, maadaama ay u muuqatay in dowladda Federaalka ay duulaan ku soo ahayd.

Weerarkaas kadib, Abiy Axmed ayaa ku eedeeyay TPLF inay ka gudubtay khadka cas, sidaana waxa uu ku amray duqeymo ka dhan ah Tigray.

Laba iyo labaatan maalmood kadib markii uu bilowday duulaanka, ra’iisal wasaare Abiy ayaa shaaciyay in ciidamadiisa ay billaabeen “wejigii u dambeeyay” ee hawlgalka ay kula wareegayaan gacan ku haynta magaalada Mekelle.

Balse hogaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa waraysi uu siiyay AFP horraantii todobaadkan waxa uu ku sheegay: “Waxaan nahay dad mabda’ leh oo diyaar u ah inay u dhintaan difaaca deegaankooda.”

Tigray
Deegaanka Tigray ayaa leh buuro ku wanaagsan jabhadeynta

Dhinacee haysta askarta u badan?

William Davison oo ka tirsan ururka ICG ayaa sheegay in TPLF ay heli karto in ka badan 200,000 oo dagaalyahan oo isugu jira maleeshiyaad tuulooyinka ku sugan iyo ciidamo si gaar ah u tababaran.

“Maadaama ay sanadihii dambe isbedalaysay siyaasadda Itoobiya, waxaa askar qorasho iyo tababarba ay ka socdeen gobolka Tigray,” ayuu u sheegay BBC.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ciidamada u diyaarsan hawlgalka ee Itoobiya ay tiro ahaan ku dhaw yihiin 140,000 oo askari, intooda badanna ay yihiin ciidanka lugta.

Haddii tirooyinkaas ay sax yihiin, waxa ay ka dhigan tahay in milateriga Itoobiya ay ka askar yar yihiin TPLF, balse xukuumadda Addis Ababa ayaa gurmad ka heli karta ciidamada gaarka ah ee deegaannada dalka.

Durbadiiba markii uu dagaalka bilowday, ciidamada deegaanka Amxaarada ayaa kuwa federaalka gacan ka siiyay qabsashada dhul ka tirsan Galbeedka Tigray.

Amxaara
Xooggaga Amxaarada ayaa ka garab dagaallamaya ciidamada federaalka.

Go’doominta Tigray

Arhe Hamednaca, oo ka qeyb qaatay dagaalladii jabhadaha ay kula jireen dowladdii Mengistu Haile Mariam ayaa sheegay in duulaanka socda ay Addis Ababa uga gol leedahay inay gacanta ku dhigto deegaannada ku teedsan xuduudda Sudan.

“Qaabka keliya ee ay TPLF ku baxsan karto ama ay saad ku heli karto ayaa ah dhanka Sudan,” ayuu yiri.

Sidoo kale, waxaa ka go’an dhanka Eritrea oo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa caqabad ku ah TPLF.

Goobjoogayaal ku sugan Eritrea ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Itoobiya ay isku soo urursadaan, dhaawacoodana ku daweystaan cisbitaallada milateriga ee gudaha waddankaas, inkastoo Addis Ababa iyo Asmara ay labaduba beeniyeen in Eritrea ay ku lug leedahay colaadda Tigray.

“Tigray waa la go’doomiyay. TPLF ma sii wadi karto dagaal toos ah,” ayuu yiri Davison.

Balse taas kama dhigna in ciidamada federaalka ay si sahlan uga guulaysan karaan xooggaga TPLF.

Arhe ayaa sheegay inay jiraan tusaalooyin muujinaya jabhado la dagaallamay ciidamo ka awood badan.

“Maraykanku waxa uu Afghanistan ku haystaa dhammaan noocyada Drones-ka iyo diyaaradaha dagaalka, balse Taliban weli lagama adkaan. Xuutiyiinta Yemen waxa ay ka badbaadeen hubka casriga ah ee Sacuudiga iyo Imaaraadka,”ayuu yiri Arhe.

Davison ayaa sheegay in inkastoo ay milateriga Itoobiya ay ku wajahan yihiin Mekelle, aysan caddeeyn inta degmo ee ay gacanta ku hayaan ama ay soo mareen.

Yey raaci doonaan shacabka Tigray?

Waxaa suuragal ah in qaar badan oo kamid ah shacabka Tigray ay u baxaan tuulooyinka iyo buuraha si ay isugu diyaariyaan dagaal jabhadeyn ah, sida uu ku doodayo Davison.

Dadka Tigray ayaa inta badan taageersan hannaanka federaalka ee ay TPLF Itoobiya ka hirgelisay markii ay xukunka la wareegtay 1991. Ururkan ayaa ku eedeeyay Abiy Axmed inuu doonayo dowlad dhexe oo awood leh.

Tigray

Shacabka Tigray

Hase yeeshee tifaftiraha BBC Tigrinya, Samuel Ghebhrehiwet, ayaa sheegay in aan meesha laga saari karin in shacab badan oo deegaankaas ah ay taageeraan xukuumadda Federaalka.

“Markii uu socday halgankii hubaysnaa ee ka dhanka ahaa Mengistu, shacabka Tigray waxay taageero buuxda siiyeen jabhadda. Balse ku dhawaad 30 sano oo ay TPLF xukunka haysay, qaar badan oo Tigray ah ayaa quus ka taagan musuq-maasuqa iyo dulmiga ka jira deegaanka,” ayuu yiri Samuel.

Waxa uu rumaysan yahay in natiijada dagaalka Mekelle ay go’aamin doonta in TPLF ay duurka gasho iyo inkale. Xitaa haddii uu milateriga Itoobita ka guulaysto ururkaasi, Samuel ayaa rumaysan in qaab keliya ee colaaddan xal looga gaari karo ay tahay wadaxaajood ay dhinacyada ku heshiiyaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this