Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Canada Oo La Baadhayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Edmonton)-Booliska magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa wada baadhitaan la xidhiidha ciddii ka dambeysay dilka wiil Soomaali ah oo habeennimadii salaasadii ka dhacay waqooyiga magaalada Edmonton.

Sidoo kale wiil Soomaali ah ayaa lagu dhaawacay weerarkaasi, kaasoo hadda lagu daweynayo cisbitaal ku yaalla magaaladaasi.

Booliska magaalada Edmonton ayaa sheegay in toddobaadyadii u dambeeyay ay kordheen is rasaaseyn la xidhiidha aargudasho, balse ma caddeyn in weerarka lagu dilay wiilka Soomaaliga ah, kan kalena lagu dhaawacay uu arrinkaasi la xidhiidho.

Dalka Canada gaar ahaan Gobolka Alperto oo Soomaalida ay ku badan tahay ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilalka loo geysto dhalinyarada Soomaalida ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this