Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyey ee shirka musharraxiinta uga socdo Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka wada-tashiga musharrixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ayaa galay maalintii lixaad oo sida la qorsheeyay lagu wado in la soo afmeero, islamarkaana laga soo saaro war-murtiyeed

Shirkan oo lagu waday inuu socdo muddo sadex maalin ah ayaa dhaafay waqtigii loo asteeyay, maadaama musharrixiintu ay galeen kulamo is xig-xiga oo ay la qaateen qeybaha bulshada, guddoonka labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan beesha caalamka, iyaga oo kala hadlayay arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021.

Kulankii ugu dambeeyay ayaa musharrixiintu waxa ay kaga hadleen waxyaabaha keenay in nooca doorasho ee soo socota ay noqon weyso mid qof iyo cod ah iyagoo tilmaamay in waxyaaba badan oo ku dahaaranaa qabsoomida doorasho qof iyo cod ah laga gaabiyay sida warbaahinta uu usheegay Ridwaan Xirsi Maxamed oo ka mid ah afhayeenka musharrixiinta.

Shantii maalin ee lasoo dhaafay ayaa maalinba maalinta ka dambeesa dib udhac uu ku imaanayey xiritaanka shirka wada-tashiga musharrixiinta, balse maanta ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo, inkastoo ay suurta gal tahay in markale uu dib u dhac ku yimaado xiritaanka shirkaasi oo ay ku kulansan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this