Sign in to follow this  
Deeq A.

 Haweeney Dhawr Jeer la kulantay Xasan Sheekh “Madaxweynihii Hore ee Somalia” oo hadda Bidden xilka sare u magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

 Haweeney Dhawr Jeer la kulantay Xasan Sheekh “Madaxweynihii Hore ee Somalia” oo hadda Bidden xilka sare u magacaabay

Linda Thomas-Greenfield iyo madaxwaynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
Linda Thomas-Greenfield iyo madaxwaynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxwaynaha la doortay ee Mareykanka, Jeo Biden, wuxuu billaabay in uu soo dhiso xukuummaddiisa, si ay shaqada u bilowday isla marka uu xilka la wareego, waxaana ka soo muuqanaya wajiyo horey ula soo shaqeeyay maamulkii madaxwayne Obama.

Ilo wareedyo ku dhaw Biden ayaa sheegaya in Linda Thomas-Greenfield, oo horey u ahaan jirtay Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda ee Afrika, ayaa loo magacaabayo safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

Haweeneydan ayaa Soomaaliya booqatay bishii December ee sannadkii 2013-kii, xilligaas oo ay la kulamtay wasiirkii Arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo madaxweynihii xilligaas, Xasan Sheekh maxamuud.

Sidoo kale, waxay ka mid ahayd wafdi uu hoggaaminayay Xoghayihii arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry oo Muqdisho tagay bartamihii sannadkii 2015-kii.

Waxay xilligaa la kulmeen Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii maamul goboleedyada. Waxaa kullankaas ku wehliyay Ra’iisul Wasaarihii xilligaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo ururada bulshada rayidka ah.

Waa tumaa Linda Thomas-Greenfield?

Linda Thomas-Greenfield waa dublamaasi Mareykan ah oo ka soo jeeda gobolka Louisiana.

Bishii May 2015-kii, booqashadii John Kerry ee Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay qaar ka mid ah madaxda.
Bishii May 2015-kii, booqashadii John Kerry ee Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay qaar ka mid ah madaxda.

Waxay dhalatay 1952, waxayna wax ka baratay Jaamacadda Louisiana State, halkaasi oo shahaadada kobaad iyo tan labaad-ba ay ka qaadatay.

Sanaddii 1975, waxay shahaadada Mastarka ka diyaarisay maadada Maamulka iyo Maareynta Jaamacadda Wisconsin, halkaasi oo sidoo kale markii dambe ay ka qaadatay shahaadada PhD.

 

Linda Thomas-Greenfield waxay muddo 35 sano ka soo shaqeynaysay siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

2013 illaa 2017, waxay ahayd qofkii Arrimaha Afrika u qaabilsanaa Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka, waxayna xilka ka degtay markii Trump la doortay.

Sidoo kale, 2012-kii illaa 2013, waxay ahayd Agaasimihii Guud ee xafiiska howlaha dibadda ee Mareykanka.. Waxay soo qabatay xilal kale oo safiirnimo ay ka mid tahay. Wadamada ay sida gaarka ah uga shaqeysay waxaa ka mid ah Liberia.

Thomas-Greenfield
Linda Thomas-Greenfield

Xilligii maamulkii madaxwayne Obama Greenfield waxay ahayd ku xigeenka xoghayaha arrimaha Afrika u qabilsan dowoladda Mareykanka.

Waxay sidoo kale mar soo qabaty xilka agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha dibadda.

Thomas-Greenfield ayaa dhanka kale waxay mar ahayd safiirkii Mareykanka ee dalka Liberia.

Waalidinteeda ayaa la sheegay in dhanka waxbarshada aysan heer sare ka gaarin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this