Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir amniga xukuumadda Xasan Xundubeey oo fariin culus u diray mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Somalia Xasan Xundubeey ayaa digniin u diray cid mas’uuliyiinta murcshaxiinta madaxtinimada, kuwa raadinaya xildhibaanimada iyo cid kasta oo ku lug leh doorashada isagoo sheegay in amniga ay iska leeyihiin shacabka, cid kastana ay waajib ku tahay inay ilaaliyaan amaanka.

“Waxaan baaq u dirayaa mas’uul kasta oo wadanka jooga oo mas’uuliyad ka raadinaaya, hadey ahaan laheyd xildhibaanimo, ama madaxtinimo, amniga waa naga weyn yahay, waa naga horeeyay, waa naga danbeyn doonaa, bulshada Soomaaliyeed ayaa iska leh, qof gaar ah ma leh, inaan wada ilaalino, iyagana waa og yihiin, anagana waan ognahay, waa ku baraarujinayaa, waana ka codsanayaa, aniga naga wada weyn, baaqaasi ayaa dirayaa, mucaarad iyo muxaafid waa u siman yihiin amniga” ayuu yiri Wasiir Xundubeey.

Wuxuu intaa raaciyay wasiirka Xundubeey in kan wasaarad ahaan ay mas’uuliyad ka saaran tahay aniga ayna ka hortegayaan cid kasta oo amniga wax u dhimeysa, wax walba oo dhibaato keenayana ay gacanta ku qabanayaan si amniga loo ilaaliyo, ciddii diidana sharciga lagu qaadi doono.

WUxuu intaa raaciyay in inta ay tareenka dowladnimada saaran yihiin inay qabanayaan wax wanaagsan oo amniga iyo nidaamka dowladnimada wanaajinaayo.

Fariintaan wasiirka amniga ayaa kusoo beegan xili magaalada Muqdisho uu ka socdo shirweyne ballaaran oo kooxaha mucaaradka ee murashaxiinta xilka madaxweyne ku leeyihiin Muqdisho, kuwaasi oo dhaliilo u jeediyay nidaamka doorasho ee dowladda dooneyso in ay u dhacdo doorashada, kana digeen qalalaaso in dalku uu galo haddii aan wax laga badelin nidaamka dowladda qorsheysay.

The post Wasiir amniga xukuumadda Xasan Xundubeey oo fariin culus u diray mucaaradka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this