Sign in to follow this  
Deeq A.

Maalinta macalinka Soomaaliyeed oo laga xusay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 21-ka November oo ah maalin loo asteeyey Macalinka Soomaaliyeed ayaa si weyn looga xusay magaalada Muqdisho oo lagu qabtay munaasabado kala duwan.

Waa sanad guurada 46-aad ee ka soo wareegtay markii maanta oo kale loo asteeyey maalinta macalinka, kadib sanadkii 1974-kii.

Iskuulka Hoyga Xamar ayaa lagu qabtay mid ka mid ah xafladaha lagu xusayey maalintan, waxaana ka qeyb-galay, macalimiin, arday, maamulka iskuulka iyo marti sharaf kale.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid ah macalimiinta Soomaaliyeed ee wax ka dhigya dugsiga Hoyga Xamar oo ka shekeeyey maalintan iyo waxa ay uga dhigan tahay.

Sidoo kale waxa ay ka hadleen daruufaha adag ee ay macalimiintu ku soo shaqeeyeen, kadib burburkii dowladd dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay qaar ka mid ardayda oo hambalyo iyo boggaadin u diray dhammaan macalimiinta Soomaaliyeed ee u dabaal dagaya 21- November.

Ugu dambeyn agaasimaha dugsiga hoyga Xamar, ahna madaxa macaliimiinta iskuulkaasi, Cabdraxmaan Sheekh Maxamuud (Shaacir) ayaa ka hadlay muhiimada ay maalintan u leedahay macalimiinta Soomaliyeed oo door weyn ku leh sare u qaadida waxbarashada.

Macalinku waa mid ku weyn quluubta Ummadda Soomaaliyeed, wuxuu maamuus, xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshada, maadaama uu u yahay  tiir-dhexaad.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this