Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyey qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Waraka ka imaanaya Mudug ayaa sheegaya in goor dhow qarax khasaare geystay uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo howlgallo ka waday waqooyiga magaaladaasi.

Ugu yaraan hal qof oo rayid ahaa ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan ciidamadii howlgalka waday, sida ay Shabelle u sheegeen ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, mana jiro weli wax faah faahin ah oo ay laamaha ammaanku ka bixiyeen weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this