Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo kordhay dagaalada ka socda dalka Itoobiya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Itoobiya waxey ku jirtaa xaalad dagaal oo culus, gantaallo ayaa lagu garaacay caasimadda gobolka amxaarada ee Bahirdar sida ay warbaahinta gobolkaas shaaca ka qaadeen.

Waxey noqoneysaa markii labaad oo gantaallo lagu garaaco Bahirdar tan iyo markii ay aad u xoogeysteen dagaallada ka socda gobolka Tigraay.

Warbaahinta waxey sidoo kale warisay in gantaalladii lagu tuuray Bahirdar aysan wax khasaare ah geysan, waxaana la leeyahay waxaa soo tuuray dagaalyahanada TPLF inkasta oo warkaas aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin.

Dagaalka wuu xoogeystay, eedo ayaa hawada la isku marinayaa, inkastoo ay dowladda mar dambe beenisay hadana TPLF waxey ka dhawaajiyeen iney ciidamada dowlada Itoobiya ay gobolka Tigraay ku beegsanayaan dadka rayidka ah.

Dagaallada ka socda Itoobiya ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay iyadoo cambaareyn dusha looga tuuray dowladda Itoobiya iyo TPLF, balse xukuumadda Abiy Ahmed waxey ku adkeysaneysaa iney gacan adag ku qaban doonto waxa ay ugu yeereen dagaal oogayaal.

The post Maxaa kasoo kordhay dagaalada ka socda dalka Itoobiya? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this