Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16050954999049414.jpg?resize=701%

Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa goordhaweyd loo doortay Cali Cabdullaahi Guudlaawe oo horey loogu saadaalinayay xilkaas.

Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa helay 86 cod, halka musharax kaliya ee la tartamamay Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan uu helay 13 cod.

Guudlaawe ayaa horey u ahaan madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, waana musharaxii ay taageeraysay Villa Somalia.

Taariikhdiisa oo kooban

Cali Guudlaawe wuxuu ku dhashay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe.

2001-2006: wuxuu ahaa madaxii maaliyadda maamulkii Maxamed Dheee ee ka talinayay Shabeellada Dhexe.

2007-2009: wuxuu ahaa Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada dhexe dhinaca maamulka iyo maaliyadda xiligii Cumar Geelle.

2014- 2016: wuxuu ahaa Guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe.

2016 – 2020: wuxuu ahaa madaxweynaha ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle.

PUNTLAND POST


The post Yaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this