Sign in to follow this  
Deeq A.

 Aqalka Sare Itoobiya oo kulan degdeg ah yeeshay ayaa soo saaray Go’aan Culus oo ka nixiyey maamulka Tigrayga.

Recommended Posts

Deeq A.   

Aqalka Sare Itoobiya oo kulan degdeg ah yeeshay ayaa soo saaray Go’aan Culus oo ka nixiyey maamulka Tigrayga.

barlamaanka.jpg

Golaha Aqalka Sare ee dalka Itoobiya ayaa saaka oo sabti ah kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Magaalada Addis Aabab ee Caasimadda dalkaas ayaa go’aan Culus kasoo saaray Gobolka Tigrayga.

Kulanka Golaha Baarlamaanka ee Itoobiya oo ahaa deg deg ah ayaa waxaa Cod aqlibiyad leh ku ansixiyay in dawladda Federaalka dalkaas faragalin ku samayso deegaanka Tigrayga, isla markaana u magacaawdo Maamul Ku Meel Gaadh ah.

Go’aankan ayaa u muuqda mid Itoobiya ku dooneyso inay meesha uga saarto Madaxdii dhawaan ay doorteen Maamulka gobolkaasi, kaddib gulufka colaadeed ee xukuumadda Abiy Axmed iyo TPLF.

Dhinaca kale Dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigree-ga ayaa weli ka socda Waqooyiga dalkas, waxaana maanta la geeyey goobaha dagaalka boqolaal askari, kuwaasi oo ku biiraya dagaalka looga soo horjeedo Tigrayga.

Gobolka Tigree-ga ayaa waajahaysa cadaadiskii ugu adkaa ee ay la kulanto, xili xalay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed shaaciyey in la burburiyey hubkii ay gacanta ku hayeen, gaar ahaana kan culus oo ay ku qabsadeen saldhiga Waqooyiga ee ciidanka dalkaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this