Sign in to follow this  
Paragon

Nin Soomalai Ah Oo Ciraaq Lagu Af duubtay

Recommended Posts

Paragon   

Nin Soomalai Ah Oo Ciraaq Lagu Af duubtay Iyadoo...

 

Wararka ka imaanaya waddanka ciraaq ayaa sheegaya in woqooyiga dalkaasi lagu afduubtay wade gaari oo soomaali ah.

 

Wariyayaasha ku sugan waddanka ciraaq ayaa sheegaya in ninkaasi soomaaliga ah la afduubtay ka dib marii gaari uu waday oo ciidammada mareykanka alaabo usiday lagu burburiyay deegaanka Xuwayja ee galbeedka magaalada Kerkuuk.

 

 

Wali lama garanayo kooxda ninkan soomaaliga ah afduubatay laakiin waxaa sidiiba caadada u ahayd kooxaha muqaawamada ciraaqiyiinta laga filayaa in ay soo bandhigaan cajal video ah oo ka dhex muuqanayo muwaadinkaasi soomaaliga ah oo wali aan magaciisa la sheegin.

 

 

Waa ninkii labaad oo soomaali ah ee lagu afduubto waddanka ciraaq tan iyo markii dalkaasi ay qabsadeen huwanta mareykanku hor kacayo.

 

Dhowr bilood ka hor ayay ahayd markii kooxda altowxiid wal jihad ee uu hoggaamiyo ninka reer Jordan ee Abu muscab alzarqaawi ay dalka ciraaq ku afduubatay, muwaadin soomaali ah oo u shaqaynayay shirkad gaadiid oo laga leeyahay waddanka kuwayt, kaas oo markii dambena la iska sii daayay markii madaxwaynihii xilligaasi C/qaasim salaad xasan uu si naxariis leh kooxdaasi uga codsaday in ay ninkaasi sii daayaan, iyagoo tix galinaya dareenka shacbiga iyo dowladdii Somalia oo diiddanaa dagaalkii gardarrada ahaa ee lagu qabsaday waddanka ciraaq.

 

Kooxda al towxiid wal jihad ee uu hogaamiyo abu muscab al zarqaawi xilligaasi waxay soomaaligaasi ku sii daysay dareenka shacbiga soomaalida oo ay sheegeen in ay dhammaantood la duuban yihiin walaalohooda ciraaq ee dalkooda la haysto, laakiin waxaan la ogayn sida kooxda ninkan afduubatay ay ula dhaqmi doonto.

 

 

Haddii kooxda ninkan soomaaliga ah afduubtay ay tahay kooxda alzarqaawi oo hadda la baxday (saldhigga jihaadka ee Bilaadu Raafidayn) arrintu waxay noqon doontaa mid khatar ah noloshiisana rajo badan lagama qabo, waayo kooxdaasi, waxay muddo aan fogayn ka hor soo saartay bayaan ah in aanay sii dayn doonin qof kasta oo ay qabtaan isagoo la shaqaynaya ciidammada ciraaq xoogga ku haysta, dhalasho kasta oo uu haysto, arrintaasi oo ah mid ay ka dhabeeyeen ka dib markii ay dileen, ciraaqiyiin iyo carab fara badan oo la qabtay iyagoo mareykanka u basaasayay qaarkoodna ay gawaarida sahayda qaadda u kaxaynayeen.

 

 

C/llaahi Khadar, Goobjoog, Muqdisho

 

Source: Goobjoog.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
OG Moti   

He was Sudani.. saan umaleen, but Somali is lucky.. i have been in iraq before, they love Somalis .. and now they consider us their example, after we did to American troops in Somalia...

 

he will be released in no time.. inshaAllah

 

peace

Share this post


Link to post
Share on other sites

mareekanka oo la shaqeynaayay aa? maa tacriful cubeed cindahaa tuurafa toore.

 

waxa gaalada kadaba naageeyo saan u necbahay lee.....haystaa sheegdeenee weligiinba hasoo daynina. maxaa cadawgeena u geeyay marka kow?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this