Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Siciid Deni oo u ambabaxay dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntand Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar ugu ambabaxay dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, saraakiil ka tirsan madaxtooyada iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka safarka madaxweyne Deni ayaa la xiriira arrimaha horumarinta ganacsiga iyo wax soo saarka dhanka Khudaarta, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu kulamo kala duwan la qaadan doono inta uu joogo Addis Ababa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

122781131_1036251046788415_3268745269136080883_o 122798054_1036251196788400_8107158892169250577_o 122858131_1036255516787968_4638164924542814863_o 122898144_1036251113455075_6959783766751678598_o122936812_1036251106788409_7393213445567229822_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this