Sign in to follow this  
Deeq A.

  Sacuudiga oo u leexday Dhanka Ruushka caawimaadna weydiistay Markii uu wajahay guul-darro soo foodsaartay+Magaalo uu doonayo in loo difaaco

Recommended Posts

Deeq A.   
  Sacuudiga oo u leexday Dhanka Ruushka caawimaadna weydiistay Markii uu wajahay guul-darro soo foodsaartay+Magaalo uu doonayo in loo difaaco
 salmaan-300x221.jpg

 Sacuudi Carabiya ayaa weydiisatay Russia inay soo faro-geliyaan oo ay gacan ka gaystaan in laga hortago in magaalada istaraatiijiga ah ee Marib ay u gacan gasho kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, waxaa sidaas ku warramay wargeyska Al-Akhbar.

Wargeyska ayaa ilo-wareedyo kasoo xigtay in wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal Bin Farhan uu taleefonka kula hadlay dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov, uuna ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo boqortooyada iyo Xuutiyiinta, si looga joojiyo inay qabsadaan magaalada Marib.

Xuutiyiinta ayaa laba bilood wada dagaal ay ku qabsanayaan Mari boo ah magaalo muhiim u ah dagaalka Yemen, sababtoo ah waxay saldhig u tahay calooshood u shaqeystayaasha u dagaalamaya xulufada Sacuudiga. Haddii magaalada laga qabsado Sacuudiga waxay la macno noqon doontaa in dagaalka Yemen looga adkaaday.

Ilo-wareedyada ayaa sharxay in sababta Sacuudiga ula hadlay Ruushka ay tahay in cadaadis la saaro Mareykanka oo iska indho tiryayey codsiga Sacuudiga ee ah inuu ka hortago in Xuutiyiintu qabsadaan magaalada Marib, ayada oo madaxweyne Trump uu ku mashquulsan yahay ololaha doorashada bisha November.

Trump ayaa sidoo kale horey ugu adeegsaday ku lug lahaanshaha Ruushka ee arrimaha Bariga Dhexe inuu qiil ugu sameeyo inii sii wado hubka laga iibinayo Sacuudiga, oo kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen inay dambiyo dagaal galeen.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in haddii Mareykanka uusan hub ka iibin boqortooyada ay u weecan doonto Shiinaha iyo Ruushka si ay hub uga iibiyaan, taasi oo Mareykanka aan faa’iido u ahayn

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this