Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka Sarkaal Ka Tirsan Madaxtooyadda Soomaaliya Oo Laga Helay Hotel Ku Yaalla Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Meydka Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay laga dhex helay Hotel ku yaalla Magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Meydka Saraalka ayaa laga helay Hotel lagu magacaabo Ridwaan oo ku yaalla Xaafad ka tirsan Degmada Xamar-Jajab ee Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in Sarkaal la dilay, sida ay baahiyeen warbaahinta magaalada Muqdisho oo ay Somalilandtoday ka soo xigatay warkan

Weli lama oga wax sababay dhimashada Saraalka oo magacaabiisa lagu soo gaabiyay Shariif, isla markaana kamid ahaa Ilaalada koofi casta ee Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Meydka Marxuum Shariif la geeyay Xarunta hay’addaha CID-da, waxaana socda baadhitaano kala duwan oo ku aadan dilkiisa, sidoo kalena waxaa la sheegay in la xidhay milkiilaha hotelka Ridwaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this