Sign in to follow this  
Deeq A.

Culimada Carabta Ma Waxaa Loo Shaqaaleysiiyay In Ay Xayeysiiyaan Heshiiska Israa’iil??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Laga bilaabo Sucuudiga illaa Imaaratka Carabta, culimada ku sugan halkaas waxay u muuqdaan kuwa ka hadlaya xidhiidhka Israa’iil iyo Carabta, waxayna u xayeysiinayaa si aad u sareysa, si ay u xoojiyaan saameynta ha’yadaha diinta ee dalalka Carabta.

Culimada waxayna ka mid yihiin ha’yadaha dowladda ee wax ka baddalaya fatwada iyo go’aanada arrimaha diinta ay soo saaraan, sida ay rumeysan yihiin dad badan oo dusha kala socda xaaladaha gobolka.

Sheekh Sudeys iyo Sheekh Wasiim Yuusuf
Dhawaan ayay aheyd markii dadka isticmaala baraha bulshada ay si wayn uga hadlayeen khubaddii Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys ee uu 4-tii bisha September uu ka jeediyay Xaramka Makah, taas oo uu kaga hadlay xidhiidhka nebi Maxamed NNKH uu la lahaa Yuhuudda. Dadka qaar waxay sheegayaan in khudbaddaas ay gogol dhac u aheyd xidhiidhka Israa’iil iyo Sacuudiga.

Dad ka soo horjeeda in dalalka Carabta ay xidhiidh la yeeshaan Israa’iil, waxay sheegayaan in khudbadda Sheekha ayna ka turjumeyn fikaraddiisa gaarka ah ama tan diinta, balse uu isaga matalayo dowladda jirta gaar ahaan marka la eego xidhiidhka ka dhexeeyo dowladda iyo ha’yadaha arrimaha diinta qaabilsan ee Sacuudi Carbiya. Dadka qaar waxay is wedinayaan, sidee dowladda wax uga baddali kartaa aragtida ha’yadaha diiniga ah?

Marka la eego dhinaca Imaaraatka Carabta oo ku dhawaaqay in xidhiidh uu la yeeshay Israa’iil, Sheekh Waasim Yuusuf oo xidhiidh dhaw la leh dowladda ayaa hadal heyn ka dhex dhaliyay baraha bulshada.

Sheekha waxay aragtidiisa tahay in xoojinta xidhiidhka Israa’iil ay tahay tallaabada ugu wanaagsan, sida uu ku qoray barta uu Twitter-ka ku leeyahay.

Weli sheekha wuxuu Twitter-ka soo dhigayay qoraallo dhowr ah oo ku saabsan arrintaas, wuxuu rumeysan yahay in xidhiidhka Israa’iil uu xal nabadeed u noqon karo qadiyadda Falastiin.

Sheekh Waasim Yuusuf wuxuu sidoo kale sheegay in Israa’iil aysan mas’uul ka aheyn dhibaatooyinka ka dhacay dalalka Carabta.

“Israa’iil ma ayna qarxin masaajid, ma ayna abuurin khilaafka ka dhex taagan Suniyiinta iyo Shiicada, ma ayna gubin kaniisadaha ku yaalla Carabta. Kuwa sameeyay dhibaatooyinkaas waa inaga.”

Waasim Yuusuf wuxuu bartiisa Twitter-ka ku weeraray kacdoonkii Carabta oo uu ku tilmaamay “Kacdoonkii waalnaa”, wuxuuna taageerayaasha Xisbullaah iyo Ikhwaanul Muslimiin ku eedeeyay in ay yihiin dadka colaadda ka dhex abuuray gobolka.

Sida culimada Sucuudiga, Sheekh Wasiim Yuusuf wuxuu baraha bulshada kala kulmay dhalleeceyn xooggan, maadama uu jeediyay hadallo is burinaya, horraan wuxuu taageeri jiray qadiyadda Falastiin wuxuuna inta badan ku adkeysan jiray in Qudus ay tahay caasimadda Falastiin.

Waa aalad gacanta ugu jirta dowladda

Ha’yadaha diinta ee rasmiga ah ee ka qeyb qaadanaya xoojinta arrimaha xidhiidhka Sucuudiga iyo Imaaraadka, waxay muujineysa in culimada soo saaraya fatwada diinta islaamka ay saameynta ku leeyihiin arrimaha siyaasadda ee dalalka Carabta iyo sida hoggaamiyeyaasha ay u adeegsadaan diinta si danahooda ay ugu gudbistaan.

Sacuudiga iyo Imaaraatka kaliya kuma saabsano arrintan, balse waxaa jiro dalalka kale oo Carab ah oo hore u soo saaray fatwo ogolaaneyso in dalalka Khaliijka ay xidhiidh la yeelan karaan Israa’iil.

Muftigii guud ee Masar, sannadkii 1979-kii, Jaadal Xaq Calaa Jaadal Xaq, wuxuu soo saaray fatwo uu ku taageeray Masar markii ay xidhiidhka la yeelatay Israa’iil.

Sannadkii 1995-tii, Muftigii weynaa ee Sacuudiga, Cabdul Caziiz Bin Baaz, wuxuu soo saaray fatwo tan lamid ah ka dib markii Sacuudiga uu saxeexay heshiiskii Oslo.

Qorshaha lagu heshiiyay
Sida ay sheegayaan dadka la socoda siyaasadda gobolka; waxa ka muuqda heshiiska waa arrin diini ah, gaar ahaan xidhiidhka Israa’iil iyo Imaaraadka, waxaana heshiiskaas loo xayeysiinayay isu soo dhawaansho u dhexeeyo Muslimiinta, Yuhuuda iyo Masiixiyiinta. Arrinta xiisaha leh waxay tahay in loo bixiyay ‘Heshiiskii Abraham’.

Warbixinno ay qoreen cilmi baarayaal u dhashay Israa’iil waxay ku sheegeen in Baadariga ugu weyn madhabta katoligga ee diinta masiixiyiinta, Pope Francis iyo muftiga Al Azhar ay ka qeyb qaateen xoojinta walaaltinimada, si loogu dadaalo nabadda iyo wada noolaanshaha aadanaha.

Waxay cilmi baadhayaasha intaas ku dareen, in marka la gaadho sannadka 2022-ka, qoyska Abraham ay xadhigga ka jari doonaan masaajid, kaniisad iyo macbad ay ku cibaadeysataan Yuhuudda kaas oo looga golleeyahay sare u qaadidda is-fahanka dhanka diimaha iyo xoojinta waxyaabaha laga mideysan yahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this