Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN Oo Luuqad Adag Ugu Hanjabtay Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Dowladda Iran ayaa si kulul uga jawaabtay tallaabada uu Mareykanku ku doonayo in cunaqabateynta Qaramada Midoobey dib loogu soo rogo Iran, xili tallaabadaasi lagu macneeyay mid sharci-darro ah.

Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani ayaa ugu horreyntii sheegay in Mareykanku uu waajahayo Guul-darro weyn kadib markii ay wadamo badan oo reer Yurub ah ay ka hor-yimaadeen rabitaankaasi.

Wuxuuna ku hanjabay in Iran ay qaadi doonto jawaab si daran wax u burburin doonto, inkasta oo aanu carabaabin arrinta weyn ee ay kaga jawaabayaan rabitaanka Mareykanka.

“Iran ay jawaab wax burburin doonto ka bixin doonto hanjabaada Mareykanka” ayuu yidhi madaxweyne Ruuxaani.

“Mareykanku wuxuu usii dhawaanaya guul-darro, xilli uu shaaciyay tallaabada cunaqabateynta. Wuxuuna waajahaya guul-darro iyo jawaab diidmo ah oo kaga timid beesha caalamka” ayuu sidoo kale yidhi.

Trump iyo maamulkiisa ayaa qaba in tallaabadaasi ka dhanka ah Iran ay ku cadahay ‘in la qaadi karo markale’ heshiiskii uu Mareykanku ka baxay laba sanno ka hor (2018) ee la xidhiidha Nukliyeerka.

Aragtidaasi mid ka duwan ayey qabaan dalalka UK, Faransiiska iyo Jarmalka, waxayna si wada-jir ah u sheegen in Mareykanku aanu awood buuxda u laheyn inuu qaado tallaabo noocaasi oo kale ah.

Rabitaanka Mareykanka ayaa sidoo kale waxa si adag uga hor-yimid dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, xilli lasoo warinayo in xukuumadda Washington ay maanta cunqabateyn kusoo rogi doono tiro dad ah oo lala xidhiidhiyay barnaamijka nukliyerka ee Iran, gantallada iyo hubkeeda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this