Sign in to follow this  
Deeq A.

Mohamed Bin Zayed Oo Doonaya In Saldhigga Ciidamada Cirka Mareykanka Laga Soo Raro Turkiga Loona Soo Wareejiyo Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubai)-Dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayed ayaa kala hadlaya wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka in saldhigga ciidamada cirka Mareykanka ee Incirlik laga soo raro Turkiga loona soo wareejiyo Imaaraadka, waxaa sidaas weriyey wargeyska The New Khaleej.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska u sheegay in qorshaha uu yahay in lasii xoojiyey xidhiidhka qotada dheer ee Imaaraadka Carabta uu la leeyahay Mareykanka.

Abu Dhabi ayaa dhowaan xidhiidh rasmi ah la sameysatay Israa’iil kadib cadaadis xooggan oo kaga yimid dhanka Mareykanka.

The New Khaleej ayaa sheegay in ilo sirdoon ay u sheegeen in Bin Zayed uu rumeysan yahay in Abu Dhabi ay danaheed istaraatiijiga ah ka hormarineyso wax kasta, oo ay ku jirto xidhiidhka gaarka ah oo ay la leedahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Sida uu wargeyska sheegay, Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale Pentagon-ka Mareykanka iyo hay’ado maaliyadeed kala shaqeynaya mashruucyo millatari iyo kuwa dhaqaale.

Si kastaba, afhayeen u halday Pentagon-ka Mareykanka Colonel Thomas Campell ayaa wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegay in Mareykanka uusan wax qorshe ah ka lahayn inuu ka guuro saldhigga Incirlik.

Xidhiidhka Turkiga iyo Mareykanka ayaa mugdi uu soo galay sanadihii tegay, hase yeeshee joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Turkiga ayaa lagu warramay in dan ka badan tan Turkiga ku qabaan Mareykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this