Sign in to follow this  
Deeq A.

  Meydka sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada Somalia oo laga helay Hotel ku yaalla Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
  Meydka sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho
Meydka sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

 Maqribnimadii hore ee caawa ayaa meydka sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga helay gudaha hotel ku yaalla magaalada Muqdisho, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sarkaalkaas ayaa lagu magacaabi jiray Shariif Doofil, waxuuna heystay darajada Gaashaanle.

Meydka Shariif ayaa laga helay qol uu ka deganaa hotel lagu magacaabo Ridwaan oo ku yaalla degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, gaar ahaan aagga Ceel-gaabta.

Lama oga sababta uu u dhintay, waxaana bilaabmay baadhitaano ku saabsan sidii loo ogaan lahaa geerida marxuumkan, iyadoo laamaha ammaanka oo tegay halkaas ay durbadiiba kaxeysteen maamulihii hotelka.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in sarkaalkan ay waxyar ka hor inta aan la helin meydkiisa ay ka tagtay haweeney aan weli la garan waxa ay tahay oo la kulantay.

Baadhitaan xooggan oo arrintan ku saabsan ayaa hadda socda. Madaxtooyada Soomaaliya weli kama hadal dhacdadan, waxaana wararka ay sheegayaan in laga war sugayo baadhitaanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this