Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo ka xumaatay heshiiskii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Beesha-Caalamka.png?resize=1000%2C579&ss

Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa markii uhu horreysay ka hadashay heshiiskii hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ee dhawaan lagu gaaray Muqdisho.

War-saxaafadeed ay wadajir ah u soo saareen Belgium, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Japan, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Suudaan, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in heshiiskaasi ahaa mid ay gaartay cid gaar ah oo aan loo dhammeyn, hannaanka lagu heshiiyay aan faahfaafin dheeriya laga bixin oo uusan caddeyn.

Sidoo kale Beesha Caalamku waxay tilmaantay in hanaanka doorasho ee la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka.

Beeaha Caalamka waxay ku baaqday in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay.

Hadalka Beesha Caalamla ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmaha soo socda la filayo in baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyo heshiiska hannaanka doorasho ee ay ku heshiiyeen madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Beesha Caalamka oo dhameystiran.

Muqdisho – Saaxiibada beesha caalamka waxay garwaaqsanyihiin heshiiskii ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF), heshiiskaas oo la xiriira geedi-socodka doorashooyinka 2020/21.

Waxay qirayaan in heshiiskan uu ka dhashay wadahadal ay Soomaali garwadeen ka tahay isla markaana ay Soomaali leedahay, kaas oo dhexmaray madaxda DFS iyo DGXF, waxayna saaxiibadu fahamsanyihiin in qaar ka mid ah faahfaahinta geedi-socodkii lagu heshiiyay aan weli la caddeynin, oo saamilley dheeraad ah lagala tashan karo.

Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay.

Iyadoo la eegayo mustaqbalka, saaxiibada beesha caalamku waxay dhiirigelinayaan in horumar dhakhso ah laga gaaro dhismaha hay’adaha kale ee demoqoraadiyadda Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan guddiga adeegga garsoorka iyo guddiga xuquuqul insaanka, iyadoo ay barbar-socdaan dadaallada lagu horumarinayo dib-u-eegista Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah iyo in la xaqiijiyo dhowridda ballanqaadyada caalamiga ah ee khuseeya xuquuqul insaanka. Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan khariidad/tub ay la socdaan bartilmaameedyo qeexan, oo ay ku heshiiyaan madaxda siyaasadda Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumar demoqoraadiyadeed dhab ah/la taaban karo oo horay loogu sii socdo.

Saaxiibada beesha caalamku waxay ugu baaqayaan madaxda DFS iyo DGXF inay sii wadaan kulamada joogtada ah iyagoo yeelanaya wadahadal iyo isu-tanaasul si wax looga qabto arrimaha degdegga ah ee hortabinta qaran leh, oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta amniga iyo dhaqaalaha iyo sidoo kale siyaasadda loo dhanyahay.
 

* Belgium, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Japan, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Suudaan, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay”.

The post Beesha Caalamka oo ka xumaatay heshiiskii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this