Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo Doorashada Lagu Heshiiyey Ku Sheegtay Mid Rajo Xumo Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Beesha caalamka ayaa niyad xumi iyo rajo la’aan ka muujisay nidaamka doorasho oo ay ku heshiiyeen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay ayaa lagu sheegay in heshiiska aanu ka tarjumeyn filashadii shacabka iyaga oo ku baaqay in saamiley kale lala tashto si loo daboolo deldoloolada jira.

Dhanka beesha caalamka waxay ku taliyeen in doorashada 2020/2021 ay noqoto mid xor, xalaal ah oo hufan.

Beesha caalamka waxay soojeediyeen in sida ugu dhaqsaha badan oo dhiso guddiyada adeegga garsoorka iyo xuquuqul insaanka iyo weliba dib u eegista dastuurka.

Ugu dambeyntii, beesha caalamka waxay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay roadmap la xiriirta nidaamkan lagu heshiiyey si hannaanka loo meelmariyo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this