Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: QM oo taageero culus u ballan qaaday Booliiska Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa kulan dhinacyo badan taabanaya la yeeshay taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, General Cabdi Xassan Maxamed.

Kulankan ayaa waxaa arimaha loog hadlay ka mid ah, isku duwidda taageerada saaxiibada Soomaaliya, iskaashiga dhanka ammaanka iyo qorshaha ammaan ee doorashooyinka.

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay taageero hor lehoo ay  siinayaa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Booliiska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xassan Maxamed ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay Qaramada Midoobay taageerada ay had iyo jeer siiso Soomaaliya.

Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay Soomaaliya siiyaan taageero kala duwan, sida Amniga dhaqaalaha iyo caawinta qoysaska barakacayaasha ah.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

BAAA-1-750x430 EiXmmm7WsAIlZuo QM-696x368

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this