Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda maamullada qaar oo ka hadlay magacaabista R/wasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Axmed Axmed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay magacaabida Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Ugu horreyn Axmed Madoobe ayaa Alle uga baryay Ra’iisul Wasaaraha Cusub in uu la garab galo shaqada Culus ee hortaala xiligan kala guurka ah oo dalka ay tahay inay ka dhacdo Doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda.

Madaxweynaha Jubbaladn ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ku gacan siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub shaqada adag ee hortaala si looga dhabeeyo himilooyinka Ummadda Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan isla marakaana uu shaqadiisa uga soo dhalaalo sida ugu wanaagsan.

Dhankiisa Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa soo dhoweeyey una Hambaliyey Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Lafta Gareen ayaa Ilaah uga rajeeyey Ra’iisul wasaaraha in xilka culus ee loo igmaday uu u fududeeyo.

“Waxaan u hambalyaynayaa Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Waxaan ugu ducaynayaa in xilka weyn ee culus ee loo magacaabay uu ilaahay ku asturo. Waxaana u rajaynayaa inuu u guto xilkaas si xilkasnimo leh”. Ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this