Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Kuweyt oo Yemen ugu deeqday gargaar dhan 20-milyan oo doolar

Recommended Posts

Deeq A.   
yemen.jpg?resize=730%2C438&ssl=1

Dowladda Kuweytayaa  sheegtay in  ay ku deeqay lacag gaaray 20 milyan oo doolar oo loogu talagalay in wax looga qabto xaaladda bani’aadanimada ee ka jirta dalka  Yemen  .

Tallaabadaan ayaa timid laba maalmood ka dib markii Qaramada Midoobay ay xasuusisay waddamada Carabta, gaar ahaan kuwa  Khaliijka, inay waajib ku tahay inay fuliyaan ballanqaadyo dhaqaale oo ay hore u balan qaadeen , dhaqaale lagu  caawiyo dadka reer Yemen ee dagaalku saameeyay tan iyo 2014ki.

Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Kuweyt Sheekh Axmed  Nasser Al-Muhammad Al-Sabax  ayaa shalay si rasmi ah u sheegay in dowlada Kuwait  ay bixineyso lacagtii ay horay u  balanqaaday ,waxayna hadaladaan soo ifbaxeen inta lagu guda jiray shir caalami ah oo ku saabsan  dalka Yemen kaasoo lagu qabtay qaabka  fiidiyowga ah  eea kalfadhiga 75aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Tan iyo 2014-kii, Yemen waxaa ka socday dagaal u dhexeeya fallaagada Xuutiyiinta ee Iiraan taageerto iyo xoogag gacansaar la leh dowlad uu caalamku aqoonsan yahay iyo  isbahaysiga boqortooyad Sacuudi Carabiya  hogaaminayso.

Tobanaan kun oo qof ayaa la dilay kuwa kalane waa  la dhaawacay walina waxaa jira 3.3 milyan oo barakacayaal ah, halka in ka badan seddex meelood meel dadka ku nool  Yemen qiyaastii 29 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, oo ku tilmaamaantay dhibaatada bina’aadanimo ee  dalka Yemen inay tahay tan ugu xun adduunka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Kuweyt oo Yemen ugu deeqday gargaar dhan 20-milyan oo doolar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this