Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo u hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay magacaabida Ra’iisul wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu Alle uga baryay Ra’iisul Wasaaraha Cusub, in uu la garab galo shaqada Culus ee hortaala xiligan kala guurka ah oo dalka ay tahay inay ka dhacdo Doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda.

Qoraalka waxa sidoo kale lagu xusay, in Madaxweynuhuu dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay ku gacan siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub shaqada adag ee hortaala, si looga dhabeeyo himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan, isla marakan uu shaqadiisa uga soo dhalaalo sida ugu wanaagsna.

PUNTLAND POST

The post Axmed Madoobe oo u hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this