Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo war ka soo saartay dilkii wasiir Nuur Xaashi Warsame

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa si adag uga hadlay dilkii Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo sidoo kale ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta maamulkaasi.

Barre oo war qoraal ah soo saaray ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada marxuumka, isagoona Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Marxuum Nuur Xaashi uu ahaa nabadoon ka shaqeyn jiray wanaaga iyo horumarka dowlad goboleedka HirShabelle.

Halkan hoose kà aqriso:-

Anoo Ku Hadlaaya Magaceyga, Kan Gudoonka, Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka WaxaanTacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Nur Xashi Warsame oo Kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kooxaha argagaxisada ay ku dileen Caasimada Hirshabelle ee Jowhar xilli uu kasoo laabtay gudashada waajibka alle ee salaada cishaha.

Waxaan tacsida iyo tiiraanyada laqeybsanayaa Qoyska Ehelka Asxaabta iyo Dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum xildhibaan Nur Xashi Warsame waxaana Alle uga Baryaa inuu
Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo.

Xildhibaan Nuur Xaanshi Waxa uu kamid ahaa odiyaasha baarlamaanka, waxa uuna ahaa nabadoon mar waliba kashaqeya Wanaaga iyo Horumarka Deegaanka.

Ugu dambeyn waxaan Xildhibaanada iyo Masuuliyinta kale ee Dowlada uga digayaa Qataraha Kooxaha Argagaxisada ee naf lacaariga ah ay kageysan karaan Deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle, meel ugu soo wada jeesano kooxdaan yar ee caadeysatay Gumaadka Ummadda soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this