Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuma Maxamed Xuseen Rooble – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee DF Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Maxamed Xuseen Rooble ma ahayn nin ku lug leh siyaasadda Soomaaliya, ama aad loo yaqiin, wuxuuna inta badan la shaqeynayey hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan ururka shaqaalaha adduunka ee ILO.

Maxamed Xuseen Rooble waxa uu bishii October 1963-kii ku dhashay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Waxa uu reer ahaan kasoo jeedaa beesha Sacad ee Habar-gidir.

Waxa uu shahaadada heerka koowaad ee Injineeriyadda ka qaatay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale Shahaadada labaad ee Master-ka ka qaatay Jaamacadda KTH (Kungliga Tekniska Högskolan) ee magaalada Stockholm, Sweden, isaga oo bartay Environmental Engineering and Sustainable Infrastructure.

Waxa uu si wanaagsan ugu haldaa luuqadaha Soomaaliga, English-ka, iyo Swedish-ka, isaga oo sidoo kalena wax ka yaqaan luuqadaha Carabiga iyo Talyaaniga.

Ka sokow Soomaalinimada, waxa uu sidoo kale haystaa dhalashada dalka Sweden. Waa xaasle aabe ah oo leh oo shan caruur ah.

Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu muddo 14 sano ah lasoo shaqeynayey ururka shaqaalaha adduunka ee ILO, oo uu ka qabtay xilal sare oo ay ka mid yihiin heer hoggaanka dalka Soomaaliya ah, isaga oo mudadaas maamulay mashruucyo ay ku kacday lacag ka badan laba boqol oo milyan oo dollar.

Ma cadda cid uu si gaar ah ugu xiran yahay marka ay noqoto siyaasadda Soomaaliya, hase yeeshee CV-giisa codsiga shaqada ra’iisul wasaaraha waxaa ku qornaa saddex qof oo tixraac u ahaa, waxaana Soomaali ka ahaa kaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed, madaxweynihii hore ee Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa la magacaabay saacado un kadib markii heshiis laga gaaray arrimaha doorashada, taasi oo meesha ka saartay inuu wax kaalin ah ku yeesho go’aanada la xiriira doorashada, waxaana hadda u taal shaqo ah inuu soo dhiso xukuumad fuliso waxyaabihii lagu heshiiyey.

The post Waa kuma Maxamed Xuseen Rooble - Ra'iisul Wasaaraha cusub ee DF Soomaaliya? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this