Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir  goor dhoweyd lagu dilay Gudaha Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Somalia:Wasiir  goor dhoweyd lagu dilay Magaalada Jowhar

 nuur.jpg

Wasiir ku-xigeenkii arrimaha diinta iyo awqaafta ee dowlad goboleedka Hirshabelle Nuur Xaashi Warsame ayaa goor dhoweyd oo caawa fiidnimadii ah lagu dilay magaalada Jowhar .

Sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle dilka Wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa geystay dabley bastoolado ku hubeysan oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday.

Marxuum Nuur Xaashi Warsame ayaa sidoo ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Hirshabelle, waxaana weli soo baxaya faahfaahinta dilka Wasiir ku-xigeenka caawa loogu geystay Magaalada Jowhar.

 

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this