Sign in to follow this  
Deeq A.

WEERAR culus oo xalay ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Dagaal la isku adeegsaday hub culus ayaa ku dhawaad nus-saac ka socday afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb oo qiyaastii 7-KM u jira magaalada.

Dagaalka ayaa dhex maray dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti oo gacanta ku haya ammaanka garoonka.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno ayaa sheegaya in dib ay u laabteen dagaalamayaashii ka tirsanaa Al-Shabaab ee soo weeraray ciidamadii ku sugnaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ee AMISOM.

Sanadkii 2012-kii ayaa ugu dambeysay Al-Shabaab inay weerar toos ah ku qaadaan Dhuusamareeb, balse xalay ayey aad ugu dhawaadeen oo weerar lagu tilmaamay “ku dhifo oo ka dhaqaaq” ku qaadeen garoonkeeda diyaaradaha oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

The post WEERAR culus oo xalay ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this