Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Khayre ka yiri qodobada ka soo baxay shirkii Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay qodobadii ka soo baxay shirkii wada-tashiga ee magaalada Muqdisho.

Khayre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa soo dhoweeyey heshiiska ay doorashada ka gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

“Waxaan soo dhoweynayaa in dalku doorsho aado, waqtiga & nooca doorashadana laga heshiiyay iyada oo laga fogaanayo muddo kordhin. Waxaan ku baaqayaa fulinta qodobada lagu heshiiyay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xasan Cali Kheyre.

Sidooo kale wuxuu intaasi ka daray inay muhiim tahay in doorashada lagu qabto waqtigii loo asteeyey, maadaama ay ku xiran yihiin arrimo badan.

“Sidii aan horayba u sheegay doorashada waxaa ku xiran amniga, dhaqaalaha & dhammaan horumarka dalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaarihii dhawaan kalsoonida lagala noqday Xasan Cali Kheyre.

Shirkii wada-tashiga Muqdisho oo maanta la soo gabagabeeyey ayaa waxaa laga soo saaray illaa 15 qodob oo ku aadan arrimaha doorashada ee 2020/21.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this