Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo gadoodsan oo xidhay laami ku dhaw Xaurnta Taliska  Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo gadoodsan oo xidhay laami ku dhaw Xaurnta Taliska  Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya

 ciidamo.jpg

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya ayaa goordhaweyd xidhay  inta u dhaxeysa Daljirka Dahsoon illaa Isgoyska Jubba oo ku dhaw taliska Nabad Sugida ee ku yaala Guriga Habar Khadiijo-Muqdisho

Sida aan wararka ku helnay ciidankan gadoodsan ayaa ka yimi Dayniile oo mudooyinkii dambe saldhig u ahaa, waxaana la sheegay in ciidankan ka cabanyeen mushaar la’aan dhawr Bilooada.

Ciidamadan gadoodsan ayaa ayaana xidhay laamiga u dhaxeeya Isgooska Jubba iyo Taalada Daljirka Dahsoon, waxa ayna diideen in halkaas wax gaadiid ahi maraan,Ku darsoo dadkii aagaas ku sugnaa ayaa cabsi la soo daristay.

 

Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya ayaan hore oo aan hore looga baran dhaqankan ayaan la ogeyn waxa xiligan kusoo beegay Gadoodkan & ciidankan ka cabanaya mushaar la’aanta xili dowlada ku faanto in bil walba ay  bixiso mushaarka ciidamada.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this