Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xubno dheeri ah oo kusoo biiray shirka Farmaajo iyo madax goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya shirka Villa Somalia ee madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada ayaa sheegaya inay kusoo biireen xubno kale oo dheeri ah.

Wararka ayaa sheegaya in shirka oo xalay dib u billowday ay kusoo biireen guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo sii-hayaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Kusoo biirista Mahdi ayaa la sheegay in ujeedkeedu yahay inuu shirka ku matalo beelaha dega gobollada waqooyi oo aan lahayn maamul goboleed shirka u fariista, balse ma cadda sababta uu Mursal ugu soo biiray.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kusoo biirista Mursal ay muhiim tahay sababtoo ah heshiis kasta oo la gaaro waxaa la horgeyn doonaa baarlamanka, sidaas darteedna waxaa laga fursan waayey in Mursal uu talo ku yeesho qodobada lagu heshiinayo.

Ku biirista Mursal iyo Mahdi ayaa sidoo kale taageero siin karta madaxweynaha, xilli ay muuqato in inta badan madax goboleedyada ay isku aragti ka nqodeen qodobada ugu xooggan ee la isku hayo.

Wararka ayaa sheegaya in qodobada ay isku raacsan yihiin maamul goboleedyada ay ka mid tahay in la yareeyo tirada ergada codeyneysa, in meesha laga saaro hanaanka xisbiyada iyo in doorashadu ay ka dhacdo hal magaalo.

Dhammaan qodobadan ayaa u muuqda kuwa hal ujeedo laga leeyahay oo ah in maamul goboleedyada ay doonayaan inay kaalin muuqata ku yeeshaan xildhibaanada cusub.

The post Xog: Xubno dheeri ah oo kusoo biiray shirka Farmaajo iyo madax goboleedyada first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this