Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Cabdirashiid oo eedeyn u jeediyay Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   
  • 564c4b11435848d7a6dfb594224f6414_18.jpg?CCC Sharmaarke, wuxuu labo jeer soo noqday Ra’iisul Wasaare Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegay in magacaabis la’aanta Ra’iisul wasaaraha ay dhaawac ku tahay saami qeybsiga siyaasadda dalka.

CCC Sharmaarke oo wareysi hordhaciisa la baahiyay siiyay Telefishinka Dalsan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub ay ahayd inuu qeyb ka noqdo jaangownta siyaasadda, maadaama uu yahay qofka la rabo inuu fuliyo waxa ay ku heshiiyaan madaxda ku shirsan Muqdisho.

“Ra’iisul Wasaaraha cusub waa inuu qeyb yahay jaangownta siyaasadeed ee wadahadalka hadda, inuu ka maqan yahay miiska aniga waxay ila tahay inay dhaawac ku tahay dowladnimada, midda labaad isaga (Ra’iisul Wasaaraha) iyo xukuumadda ayaa larabaa inay hirgaliyaan, wax uusan talo ku lahayn oo uusan hirgalin karin in berrito korka laga saaro oo lagu eedeeyo waxay noqonaysaa arrin khalad ah” ayuu yiri CCC Sharmaarke.

Cumar Cabdirshiid ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu nidaamkii baarlamaaniga dalka u raray mid madaxtooyo oo awooddii dalka oo dhan isku soo koobay.

Dhanka kale Cumar Cabdirashiid wuxuu eeda Farmaajo la wadaajiyay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, wuxuuna sheegay in labada mas’uul saddexdii sano iyo barkii ay wadajoogeen ay waxba ka qaban arrimihii masiiriga ahaa ee loo xilsaaray oo ay kamid ahaayeen dastuurka, arrimaha doorashooyinka, xisbiyada iyo maqaamka gobolka Banaadir.

Hadalka Cumar Cabdirashiid wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo magaalada Muqdhisho ay ku shirsan yihiin Madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, shirkaas oo la filayo in heshiis mideysan looga gaaro hannaanka doorashooyinka dalka ee 2020/2021.

PUNTLAND POST

The post Cumar Cabdirashiid oo eedeyn u jeediyay Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this