Sign in to follow this  
Deeq A.

‘Isma aanan laheyn’ – Weriye sheeko xanuun leh ka qoray geerida xaaskiisa iyo dhibka isbitaallada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Isma aanan Laheyn !!!

Mar Walbaa Geerida Waa xaq, waana qasab inaan ku qanacnaa qadarta Alle, Balse Isma aan laheyn !!

-Isma aan laheyn adiga oo qof Xaalad deg deg ah ku jira wada,  ayaa gaarigaada gurmadka deg dega xilli habeen ah laga celin doonaa albaabka hore ee Isbitaalka Digfeer (Kala wareeg kuuma heyno ICU wey naga buuxdaaye, Labo ruux oo kaasoo horeysay ayaanba meel u  la’nahay oo aan soo bixin rabnaa) !!!.

-Isma aan laheyn adigoo Qof xaalad deg deg ah ku jiro ayuu isbitaalka Yerdameli ku dhihi doonaa waa inaad qofkan soo Saartaa Raajada Xabadka (Chesk Scan) haddii kale kuuma qaabili doono !!!.

– Isma aanan laheyn adigoo isbitaalka Jazeera kasoo helay raajadii laguu diray ayuu dhaqtar Turkey ah inta Jawaabta eego ku dhihi doonaa qofkaan (Oxygen la’aanta heyso) hasoo dajin. (Corona Corona Martiini Martiini) kaliya ayuu ku dhihi doonaa !!!.

-Isma aanan laheyn Isbitaalka Martiini oo agab caafimaad oo tayo leh ay yaalaan ayaa ICU-da iyada oo xeran ugu tagi doontaa oo ruuxna uusan ku jirin, haddana shaqaalaha aysan awood u laheyn inay geliyaan ruux xaalad adag ku jiro balse aan Corona qabin !!! Ruux aan Corona qabin ma gelin karno, ileen wuu soo rogaal celinayaa.

-Isma aanan laheyn Isbitaalka Somali-Sudanese ayaa lagu dhihi doonaa, Ambalaaska aad gabadha ka dajisay yeysan kaa tagin annaga kuma qaabili karnee !!! Balse ugu dambeyn ayey ku geeriyootay iyada oo Sariirta qolka gurmadka deg dega Saaran.

– Isma aanan laheyn dalkeena, gaar ahaan isbitaalada Tirada badan ee Muqdisho ku yaalo Meel walbaana laga xayaysiiyo ayaa laga weyn doonaa (ICU) (ICU waa qeybta la geliyo qofka xaaladda liidata ku jira kana tirsan Isbitaalka) !!!.

-Si gaar ah waxaan doonayaa inaan ugu Mahadceliyo shaqaalaha Isbitaalada, Martiini, Umma iyo Jazeera oo Tabar iyo awood yari ay u deyrisay balse dadaal xoogan bixiyay habeenkii Xaaskeyga Xanuunka dareentay balse Alle uu naga jeclaaday.

Sidaasi oo ay tahayna waxaan aaminsanahay in raadkeeda uu ka qornaa Xaaskeyga inay meelahaasi ay tagto, dabadeedna ay geeriyooto.

Mudanayaal iyo Marwooyin ruux kasta oo masuul ah ogaada maanta oo aad masuuliyadda heysaan, inaad xasuusnaataan dadka aad masuulka ka tihiin inay dhibaatooyin badan qabaan.

Ruux walbaa marka ay baahi qabato ayuu ogaadaa macaanida Raashiinka noocuu doono ha -ahaadee, balse waxaan filayaa inay jiraan dad kale oo xanuuno kale dareemay, waxaan leeyahay sida loo badiyay goobaha waxbarashada si lamid ah haloo badiyo adeegyada Caafimaadka.

Waan ogahay in madaxdeena iyo madaxda isbitaalada aysan wax walbaa ogaan karin waqtiga ay dhacayaan, balse waxaan leeyahay markey ogaadaan kadib, dadka dambeeyo haloo diyaariyo adeegyada Muhiimka ah (Mahadsanidiin)

Marka aad Caafimad qabto ayaad wax baran kartaa, Marka aad waxbaratana Bulshada ayaad wax tari kartaa !!!. ALX Alle ayaa MAHADLEH.

W/Q: Weriye Maxamed Ciise Maxamuud

The post 'Isma aanan laheyn' - Weriye sheeko xanuun leh ka qoray geerida xaaskiisa iyo dhibka isbitaallada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this