Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukun lagu riday nin ku lug lahaa weeraro ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
  • 20200916_194713.jpg?resize=720%2C405&sslEedeysane, Farxaan Maxamuud Xasan

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday nin la sheegay inuu la wadashaqeyn jiray dowladda iyo Al-shabaab.

Farxaan Maxamuud Xasan oo ah nin dhallinyaro ah ayaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah, sida uu degmada Baladxaawo kaga dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda darajadda 1aad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Ciidamo qarsoon ee NISA ayaa la tilmaamay inay soo ogaadeen fariimo la xiiray ciidamad dowladda federaalka oo eedeysane Farxaan la wadaagay Al-shabaab.

Farxaan ayaa la sheegay inuu Al-shabaab ku biiray 2010, uuna tababar ku soo qaatay xero ku taalla degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay, kadibna kamid noqday ilaalada gaar ah ee xasbiyada qarsoon ee Al-shabaab.

Farxaan wuxuu ka qeybgalay dhowr weerar oo Al-shabaab ku qaaday Afmadow, Buuloxaaji, Kudhaa iyo Baarsanguuni, sidoo kale wuxuu kaalin ku lahaa weerarkii ka dhacay xerada ciidamda Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu Kenya, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Weerarkii Manda Bay ayaa dhacay bishii Jannaayo ee sanadkan, waxaana lagu dilay dhowr askari oo Ameerikaan ah.

PUNTLAND POST

The post Xukun lagu riday nin ku lug lahaa weeraro ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this