Sign in to follow this  
OLOL

URGENT PLEASE HELP THIS LITTLE GIRL

Recommended Posts

Nada   

Subxaana Allah, the things the human body can endure!! for all involved that was a very noble deed masha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

Xaliimo Hire oo xaladeda cafimadeed ka soo reyneyso iyo lacagtii sadaqada( Daawo sawirada )

 

24 AGOOSTO 2005

 

 

Waxaan walaalayaal halkan idiinku soo gudbinayaa qoraal tafatiraya xaalada ay kusugantahay walaasheenayar ee Xaliimo hire, taariikhda lacagtii sadaqada aheyd iyo weliba wadamada iyo magaalooyinka ay kala joogaan soomalida gacanta ka geystay lacag aruurinta iyo safar gaaban oon ugu tegay 20 Agoosto ee nasoo dhaaftay magaladii lageeyay ee dalka Austria halkaas oy isbitaal uga jirto Xaliimo.

 

Hadaba hadaan kaaga waramo xaalada guud ee walaasheena yar waxeey ilatahay iney maanta waajib inagu tahay inaan umahadnaqno ilaah SW, kuna faraxno sida uu ugu fududeeyay imaanshaha meel dhaqtar iyo daawaba aysan ka kalagoèyn insha allah.Waxaase aniga aad ii farxad gelisay si murugo ku dheehantahay markaan ugu galay Xaliimo qolkii ay jiiftay ayadoo soo jeeda ee aabow leh. Waxaana kamuuqatay diif iyo xanuun aana qiyaasi karin inta uu ula ekyahay, balse daawada lasiinayo aawadeed ayaan qiyaasi karaa inuusan xanuunkaasi aheyn mid xadle.

 

Dhinaca kale farxadbaa igu dheehneyd madaama ay iigu danbeysay Xaliimo oo "koma" ku jirta oo jirkeeda dhamaantii uu gubanyahay oo nabro badani kuyiileen safarteydii hore. Ayaa kulankan wexey aheyd mid ayadoo tabardaran oo diifi kamuuqato hadana aad iyo aad uga fiicneyd xaladii hore een ku ogaa. Taasoo ah ilaah mahadiis ayuusan jirkeeduna markii burada laga reebo uusan wax nabro ah laheyn maanta kadib markey kabogsootay nabrihii kuyiil.

 

Qaliin.gif

 

 

 

TARIIKHDA LACAGTA

 

Sidaad dhamaan ula socotaan waxaan isugeynay lacag, lacagtaas oo aan taakulo uga dhigeynay walaasheenayar ee Xaliimo Hire. Gabadhu waxey u baahneyd Lacag ayku marto qaliimo farabadan sidaan islaheyn iyo daawo intaba, balse waa ilaah mahadii ee xaalki sidaa manoqon oo Xaliimo wexey heshay gargaar aan lacag u baahneyn. Madaama hadaba dhib iyo dheefba lagu hanto amarka ilaah lacagtii wexeygashay dib uga tashi. Tallo iyo ra`yi isweydaarsi muda ah dabadeedna waxaa lagu go`aamiyay in lacagtaa laqeybiyo, oo qeyb kamid ah lasiiyo qoyska ay kadhalatay Xaliimo. Qeybta soo hartayna go`golxaar looga dhigo isutag iyo isgarabsi kale si caruurta kale ee dhibanayaasha ah ee soomaaliyeed awooda dhaqaalana kuxuntahay loogu tabaruco insha allah.

 

CADADA LACAGTA

Lacagti la isu keenay cadadeedu wexey noqotay 123.690.00 kroner(Boqol, labaatan iyo sadax kun lixboqol iyo sagaashan kroner oo lacagta Norwagienka ah) Taasoo labo looqeybiyay. Hadaba qeybtii Xaliimo reerkeeda lasiinayay oo noqotay 61.845.00 kr (lixdan iyo kow kun, sideedboqol iyo afartan iyo shan kroner) oo u dhigantay(16 Aug 2005) 9.442.00 $ (sagaal kun afarboqol iyo afarten iyo labo doolar) ayaan u bedelay isla maalintaa 7.662.00 auro (Todobo kun lixboqol iyo lixdan iyo labo auro) madaama uu Hire Hussein oo Xaliimo aabaheeed ah uu joogo Austria, dalkaas oo laga isticmaalo lacagta Auro. Xisaab ahaan: 123.690.00 kr / 2= 61.845:00 kr = 9.442.00 $ = 7.662.00 auro.

 

WAREEJINTII LACAGTA

Madaama lacagtii laqeybiyay, waxaan qaaday qeybtii loogu tallo galay ama loogartay qoyskii ay Xaliimo ka dhalatay. Qoyska oo uu aabaha Xaliimo Hire Xuseen uu masuul u yahay ayaa lacagtii ku gudoonsiiyay 20kii agoosto ee sannadkan aanu kujirro. Waxaan tagnay xaafad reer soomaaliyeed si aan ibitaalka ugala dheeraano sawaxankeena.

 

Qaliin1.gif

 

 

 

Kadib markaan gudoonsiiyay ayaan waxaan weydiiyay, sida uu u arko lacagta lasoo kalaqeybiyay ee qeyb looga keenay. Asagoo si adag ra yigiisa udhiibanaya ayuu wuxuu sheegay inuusan waxba kaqabin, saakay iminkaan quraacanayey ma aana heysan lacagta aad hada ii keentay, sidaa daraadeed hadii walaalihii soo aruuriyay ay garteen inlaqeybiyo waxba kamaqabo. Hadii caruurkale oo dhiban sidii Xaliimo wax loogu qabanayana waxba kama qabo" ayuu yiri Hire Xuseen Xersi oo ah ninkan aan gudoonsiiyay lacagta iyo Xaliimo aabaheed. Hadaba intii Xaliimo aykareysato hadii ilaah ukaso insha allah waxaan dhamaan walaalaha soomaaliyeed ee jecel in ay kawarhayaan Xaliimo xaaladeeda caafimaad ka codsanayaa in ay moobiilkan lambarkiisu yahay 00436645754442 oo uu heysto aabaha xaliimo kala xiriiraan iyadoo xataa kuwiinii tabaruc gaar ah u haya ay sitoos ah ula xiriirayaan Hirre madaama aad lambarka kor kuqoran kala hadli kartaan insha allah.

 

MAGAALOOYIN KA ISUKEENAY LACAGTAN

 

NORWAY (Oslo, Trondheim, Stavanger, Larvik, Govik iyo kuwa kalle)

ENGLAND( London, Leicester)

SWEDAN (Stockholm iyo Vastrås)

USA (Barron Wesconsen, Minneapolis, Boston,

CANADA (Toronto,

AUSTRALIA (Melbourne)

ITALY (Venezia)

DANMARK(1 magalo?)

Intaa waxaa dheer dad dhowr ah oo lacago soo diray balse aana ogeyn wadanka ama magaalada ay kunoolyihiin. Waxaana dhamaan ilaah inooga baryayaa inuu denbi dhaaf iyo saadsuuban uu ilaah inoogu bedalo dadaalkan aan muujinay dhamaan.

 

CODSI

Waxaa kale oon dhaman umada soomaaliyeed meelkasta oy ku nooyihiin(ganacsato iyo garabsataba) idinka codsanayaa in aan wada damqno, iskana garabsano sidii aan gacan isugu siin laheyn una kordhin laheyn lacagta qeybta hartay si caruurta soomaaliyeed koodi daran loogu gargaaro insha allah. Lacagtaas oon loo aaboyeelin kuna wajehan dhamaan caruurta soomaaliyeed ee dhibaateysan balse intey gaarto hal iyo laba wax loogu qabandoono insha allah.

 

Hadii aad heyso talo ama tayo aad nagu biirinayso si aan lacagta u badino, waad igala soo xiriiri kartaa;

 

moobiilnr: 0047-90669364 ama

e-post: mahadale@online.no

Wasalaamucaleukum wr. wb.

Lul Hassan Kulmiye

Norway

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

All Praise and thanks are due to ALLAH.

 

Thanks to all the concsious brothers and sisters who did contribute to this humanitarian endeavor.

 

Faanoole weli fari kama qodna waxaa jira ciyaal kale oo cuduro halis ah dartood ugu dhibaateeysan dalka gudihiisa.

 

Qof kasta oo dhainyaro iyo waayeel leh waxaa laga codsanayaa ineey ka qayb qaataan gurmad kasta oo xag bini aadan leh oo wax loogu qabanaayo cunug soomaaliyeed oo jiran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

Another humanitarian donation to another child who has tumor on her back.

 

 

 

 

Jaaliyadda Ingiriiska oo taageero lacageed soo gaarsiiyey gabadhii buradu ay dhabarka uga tiilay

Muqdisho

 

 

lacag6.gif

 

Suleymaan C/llaahi & Buulaay Shariif Caali oo ah aabaha & hooyada gabadha yar ee dhabarku ay burada uga taal Xaliimo Suleymaan C/llaahi ayaa maanta la gaarsiiyey lacag taakuleyn ah oo ay soo gaarsiiyeen Jaaliyadda Soomaalida Ingiriiska.

 

 

Xasan Cadaawe Max’uud ayaa aabaha & hooyada gabadha ku guddoonsiiyey maanta $800 (Sideed boqol dollar) xero qaxooti oo ku taal gudaha Ex. Carwadii hore ee degmada Hodon halkaasoo qoysku degan yahay, waxaana lacagahaasi soo uruuriyey Max’ed Xersi & Sheekh Muudey Gacal oo ka mid ah Jaaliyadda Ingiriiska.

 

 

“Gabadha xaaladeedu aad ayey u liidataa, waxaana shalay laga soo saaray Isbitaalka Keydsaney oo ay ku jirtay muddo markii ay calooshu ka soo bararay, waxaana ganacsatada Soomaaliyeed & Jaaliyadaha dibedda ugu baaqayaan in ay ku taageeraan gabadhaasi yar sidii ay u heli laheyd daweyn dibedda ah, maadaama dhaqaatiirtu cadeeyeen in aanan waxba lagaga qaban karin xaaladeeda dalka gudihiisa†ayuu yiri Xasan Caddaaw Max’uud.

 

 

Xasan Caddaawe wuxuu sheegay in dad Soomaaliyeed oo meelo kala duwan ku sugan ay soo taakuleeyeen qoyskan tabaaleysan, wuxuuna xusay in magacyada dadka soo taakuleeyey & wixii ay ku soo taakuleeyeen ay sidan kala yihiin:-

 

 

Xuseen Jaamac Caabi $50

 

Koox uu ku jiro Cali dhagtey $160

 

Axmed deeq Xasan $50

 

C/llaahi Axmed Diirshe $100

 

Iyo boqol kale oo uu waalidku soo qaaday oo aan magaca soo diraha idinla soo socod-siin doono Insha ALLAAH.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this