Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee Shirka Muqdisho oo maalintii labaad galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka socda shirka wada-tashiga dowladda dhexe, dowad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo diirada lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 20/21.

Shirka oo galay maalintii labaad ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madaxweynaha Soomaaliya, madaxda shanta maamul goboleed ee dalka iyo duqa Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in maanta si rasmi ah loo guda-galay dooda shirka, maadaama kulankii shalay uu ahaa furitaan iyo qado.

Sidoo kale waxaa shirkan intiisa badan looga hadlayaa heeshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb, kaas oo aysan qeyb ka aheyn Axmed Madoobe & Siciid Deni.

Arrimaha miiska saaran ee laga wada-hadlayo waxaa ka mid ah mustaqbalka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, tartanka furan ee xisbiyada, goobaha doorashooyinka, kaalinta dowlad goboleedyada iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa dhankooda miiska soo saaray qodobada ay diidan yihiin ee shirka Dhuusamareeb 3, si xal mideysan looga gaaro.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana isha loogu wada-hayaa shirka Muqdisho iyo waxa ka soo baxa oo saldhig u noqon doono doorashooyinka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this