Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Ciidamada Soomaaliya oo shaaciyay in ay dileen 12 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgal qorshaysan oo Ciidamadu ay Maanta ka fuliyeen Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Taliska ayaa sheegay in Hawlgalka lala beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumanayay nawaaxiga Degaanka Bariire halkaasna khasaare xooggan lagu gaarsiiyay.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Hawlgalkaas lagu dilay 12 dagaallame oo Al-shabaab ah kuwaas oo Degaanka ku dhuumanayay.

Ha yeeshee kama uusan hadlin Khasaaraha gaaray dhanka Ciidamada Hawlgalka fuliyay.

PUNTLAND POST

The post Taliska Ciidamada Soomaaliya oo shaaciyay in ay dileen 12 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this