Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qoor Qoor iyo Deni oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu caasimadda ka dagan yahay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka.

Qoor Qoor iyo Siciid Deni ayaa si gaar ah diirada uu saaray arrimaha doorashooyinka ee 2020/21 iyo shirka wada-tashiga Muqdisho oo galay maalintii labaad.

Sidoo kale waxa ay isla qireen inay muhiim tahay in xal mideysan la gaaro, si ay dalka uga dhacdo doorasho la’isku raacsan yahay.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka socday shirar gaar-gaar ah oo looga hadlayo marxaladda kala guurka ah ee uu haatan ku jiro dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

119388757_3295871237116548_1753311082359251733_n 119083882_3295871253783213_2900996731551054909_n 119138216_3295871333783205_1739487425412863153_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this