Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo gacanta ku dhigtay hub, walxaha qaraxa iyo rag weerar qorsheynayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliyaha Booliiska Somaliland, Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Sadiiq ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidanka amaanka 48 kii saac ee la soo dhaafay ay ka sameeyeen magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Taliyaha ayaa sheegay in howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan lagu soo qab-qabtay illaa 13 qof oo looga shakisan yahay argagixisanimo, hub iyo walxaha qarxa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in ragga la qabtay oo ay ku socdaan baaritaano dheeraad lagu tumay inay maleegayeen weeraro ka dhaca Hargeysa iyo Burco.

Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Sadiiq oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay sidoo kale ku raad-joogayaan xubno kale oo iyaguna laga shakisan yahay.

Waxa kale oo uu digniin u diray milkiilayaasha guryaha iyo kuwa hotellada, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in ogaadaan cid kasta oo ay wax ka kireysanayaan.

“Ciidamadda ammaanka Somaliland ayaa 48 saacadood ee la soo dhaafay qabtay 13 qof oo looga shakisanyahay inay maleegayeen weeraro argagixiso oo xiriir ah oo lala beegsanaayay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Booliiska ayaa sidoo kale qabtay hub iyo walxaha qarxa, ciidamadda amaanku waxay sidoo kale ku daba jiraan xubno kale oo loo tuhmayo. Hubso ciddaad ka kiraynayso gurigaaga, qolada hoteelada waxaa iga digniin ah ha hubsadaan cidday hoteelada ka kiraynayaan.” ayuu yiri taliyuhu.

Si kasta ha’ahaatee shalay ayey aheyd markii saraakiil ka tirsan ciidamada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay shaaciyeen in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen Somaliland, kuwaasoo ka baxay dhanka dhulka buuraleyda Gal-gala.

The post Somaliland oo gacanta ku dhigtay hub, walxaha qaraxa iyo rag weerar qorsheynayey first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this