Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabad-sugidda Jubaland oo fashiliyay Qaraxyo lagu aasay gudaha Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
bambooyin-696x385-1.jpg?resize=696%2C385

Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa sheegay in ay bumbooyin ka soo saareen dhul bacaad ah oo ku yaalla Xaafadda Farjanno ee Magaalada Kismaayo

Qoraal ka soo baxay Taliska Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubaland, ayaa lagu sheegay in Bumbooyinkaas ay aaseen xubno ka tirsan Al-shabaab oo doonayay in ay qaraxyo ka fuliyaan gudaha Kismaayo.

Sidoo kale, Qoraalka waxa lagu xusay in la fashiliyay isku daygaas, kadib markii Shacabka Xaafadda ku dhaqan ay Ciidanka ku wargeliyeen qaraxyada ku aasan dhulka.

Saraakiisha Ciidanka Nabad-sugidda Jubbaland, ayaa shacabka uga mahadceliyey sida ay uga gacan-siiyaan Amniga, waxayna ku booriyeen in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

PUNTLAND POST

The post Nabad-sugidda Jubaland oo fashiliyay Qaraxyo lagu aasay gudaha Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this